digg icon delicious icon

Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Xaliimo Cadeey Iyo Buulo xaaji Ee duleedka Magaalada kismaayo & Kenya oo sheegtay in ay dishay 100 dagaalyahano Shabaab ah.

February 4, 2012   //     //   Wararka Soomaaliya

Diyaaradaha Dowladda Kenya ayaa shalay gelinkii dambe duqeeyn u geeystay degaanada Xaliimo Cadeey iyo Buulo Xaaji oo duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Diyaaraha ayaa gantaalo dhowr ah la dhacay degaanada waxaana la sheegayaa in ay bartilmaameyd sadeen xerooyin Shabaabka ay ku lahaayeen degaanadaasi.

Afhayeenka Ciidamada Meleteriga dowladda Kenya Emmanual Chirchir ayaa sheegtay in diyaaradaha Kenya duqeeynta ay fuliyeen, waxa uuna tilmaamay in lagu dilay ku dhowaad 100 dagaalyahano oo Shabaab ka tirsan gawaarina lagu burburiyey.

War kama soo bixin Al Shabaab oo ku aadan duqeeynta shalay loo geeystay degaanada duleedka ka ah magaalada magaalada Kismaayo, mana jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Dowladda Kenya oo ah in ay dileen dagaalyahano Shabaab ah.

 

 

Mursal Hassan, Kismaayolive.com

Mursal@Kismaayolive.com

Readers Comments (0)