digg icon delicious icon

Magaalada Baydhabo oo tababar loogu soo Gaba gabeeyay Meleteri cusub oo ka tirsan Dowlada Federaalka Somaliya….

November 2, 2012   //     //   Wararka Soomaaliya

Baydhabo(KSML-News)  Wararka naga soo gaaraya Magaalad Baydhabo ee Xarunta Gobolka  Baay  ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 500 oo askari Tawabar loogu soo xiray magaaladaasi.

Tawabarkan ayaa lagu soo gabagabeeyay xerada Daraawiishta ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdifataax Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in Tababarkan  uu socday muddo 6 bilood ah iyadoo  ciidanka loogu diyaarinayay sidii ay ula dagaallami lahaayeen  Kooxda Shabaab, ayna gacan buuxda uga geysan lahaayeen sugida amniga gobollada Baay iyo Bakool, sida uu sheegay.

Ciidamada oo ah Ciidamo Milateri waxaa tababarka siinayay saraakiil Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Waa tababarkii ugu horreeyay oo ciidamo loogu soo xiro magaalada Baydhabo tan iyo markii ay dowladdu la wareegtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkaasi baay bishii February ee sanadkan horaantiisa.

Shabakada Wararka Kismaayolive.

Xafiiska Wararka Baydhabo.

Readers Comments (0)